Ku Saabsan [RSMS]
[RSMS] waa xarun horumarsan oo ku takhasustay dayactirka qalabka elektaroonigga ah sida Mobayllada iyo Computer-ada. Waxaan aasaasnay meheraddan ka dib markaan aragnay baahida weyn ee loo qabo adeeg dayactir oo hufan, daacad ah, isla markaana adeegsanaya qalabka ugu casrisan ee dunida.
Maxaa naga gaar ah?
Waxaan rumaysannahay in tiknoolajiyaddu ay tahay qayb muhiim ah oo nolosha bini-aadamka ka mid ah, sidaa darteed:
Xirfad Sare: Kooxdayadu waxay ka kooban tahay farsamayaqaanno khibrad dheer u leh xallinta dhibaatooyinka ugu adag ee Hardware-ka iyo Software-ka.
Maareyn Casri ah: Waxaan isticmaalnaa nidaamka maamulka ee Shop Management System, kaas oo hubinaya in qalabka macmiil kasta loo habeeyo si nidaamsan, loona ilaaliyo xogtiisa iyo qalabkiisa.
Agab Tayo Leh: Waxaan isticmaalnaa spare parts-ka ugu tayada wanaagsan si qalabkaagu u yeesho cimri dheer.
HAMIGEENA (VISION)
Inaan noqonno meheradda kowaad ee loogu kalsoonida badanyahay dayactirka qalabka farsamada gacanta iyo kuwa xafiisyada ee geyiga Soomaaliyeed, annagoo adeegsanayna aqoon iyo hufnaan.
FARIINTEENA (MISION)
Inaan macaamiishayada siino adeeg tayo leh, qiimo macquul ah, iyo daryeel ka baxsan filashadooda, annagoo hubinayna in qalab kasta oo gacantayada soo gala uu ku noqdo sidii isagoo cusub.